Wednesday, June 19th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Urur siyaasadeed kii Afraad oo lagaga dhawaaqay Deegaanada Puntland (Daawo Sawiro).

Published on December 11, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay124

Urur siyaasadeedkan oo la magac baxay Midnimo ayaa maanta waxaa lagaga dhawaaqay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ahna rugta ganacsiga ee Dawlada Puntland.

Munaasibad lagu shaacinayey ururkani ayaa lagu qabtay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Waxaana kasoo qayb galay Ganacsato, Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Bari.
Gudoomiyaha KGM ah ee ururkan Dr Saadiq Eenow oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey hadafka loo hirgeliyey urur siyaasadeedkan, Wuxuu sheegay in ururkani ka dhaqayn doono Horumarka, Nadgelyadda iyo Midnimadda Puntland, isagoo sheegay in ururkan ay ku midoobeen uuna yahay urur siyaasadeed mucaarad ah.
Sidoo kale Gudoomiyaha KMG ah ee ururkan Midnimo wuxuu sheegay inay xarumo ka furan doonaan meel kasta oo kamid ah deegaanadda Puntlann, sidoo kale wuxuu sheegay inay hirgelinayeen xarumo ku yaala wadamo dibada ah oo ay ku nool yihiin Jaaliyadaha reer Puntland.
Cali Cabdi Awaare oo ah siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo urur siyaasadeedkan cusub ee Midnimo, Wuxuu tilmaamay inuusan xiligan taageeri doonin ururadda lagu dhawaaqay balse uu eegi doono wax qabadka ay la yimaadaan.
Nabadoon Xaaji Axmed Gacayte oo kamid ahaa waxgaradkii kulanaka kasoo qaybgalay ayaa xusay in xiligani bulshada reer Puntland usoo baxay waa Cusub loona bahaanyahay in bulshadu ay si xor ah codkooda u dhiibtaan, Waxaana uu ku dardaarmay in ururadu ka dhabeeyaan balanqaadyadooda.
Urur siyaasadeedkaan Midnimo ayaa noqonaya ururkii Afraad oo lagaga dhawaaqo gudaha Puntland, Iyadoo la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono ururo kale oo siyaasadeed, arintan ayaa ah mid muujinaysa hirgelitaanka nidaamka Xisbiyadda badan ee Puntland.
Daawo sawirrada
.
By yuusuf Abdi Shire (Koronto)
Laanta News Online
Wixii Tala Iyo Tusaala ah Noogu Soo hagaaji
Laanta9@Gmail.com

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.