Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ayaa sheegaya in weerar bambaano lagu qaaday abaarihii 7-dii fiidnimo Xarunta Dalxiiska ee Xaafada Hantiwadaag, halkaasoo ay degan yihiin saraakiil ka tirsan Ciidamada milateriga.
Sida ay sheegayaan wararka bamka ayaa dhawaqiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Jowhar, iyadoo ay xigtay rasaas ay fureen Ciidamada dowladda ee ku sugnaa Xaruntaas.
Lama oga qasaare ka dhashay, sidoo kale ma jirto qasaare ay sababtay rasaasta, iyadoo xilliga weerarka bambaanada uu dhacayay dhaq dhaqaaqa magaalada uu sii yaraanayay.
Dadka deegaanka ayaa ka argagaxay rasaasta ay fureen ciidamada iyo bamki ka horeeyay, waxaana weerarkan uu ku soo aadayaa, iyadoo howl galo maanta ka sameeyeen magaalada Ciidamada nabadsugida.
Howl galkii maanta ayaa lagu qarxiyay dhowr miino oo ku aasneyd meelihii ay degi lahaayeen Saraakiisha maamulka gobolka, iyadoo aanay geysan wax qasaare ah.
Kala soco wixii ku soo kordha Haduu alle idmo