Markabka lagu magacabo MARCO POLO kana yimid Hongkong ayaa ku soo xirtay Dekada magaalada Southampton ee dalka Ingiriiska. Markabkaan oo sida 16.000 oo Kontainer waa Markabka Dunida ugu weeyn oo dhirirkiisa lagu sheegay 396 Mitir.
Markabkaan oo sida qalab ganacsi oo Bagaash ah waxa uu u sii gudbay Dekada magaalada Hambrug ee dalka Germany. Hadal heeynta ugu badan Qaarada Yurub ayaa noqotay Markaabkaan oo lagu soo raray Qalab raqiis ah oo ka kooban Raadiyaal, Telefishino, Computero iyo qalab kale oo u badan Electronic.
Qaar ka tirsan Shirkadaha ka ganacsada Qalabka Elektaronikada ayaa durbadiiba raqiisiyay Alaabihii qaaliga ahaa ee la beecin jiray ka dib markii ay ogaadeen in uu Qaarada Yurub soo galay Markabka lagu magacaabo Marko Polo kaas oo wado 16.000 oo Kontainer una badan Qalab Electronic ah oo raqiis ah.