Inta badan ciidamada Booliiska ah ee ka jira Caalamka gaar ahaan kuwa dalalka Yurub iyo Mareeykanka ayaa waxaa garaadada ama Xiddigaha abaal marinta loo kor dhiyaa marka ay soo qabtaan Qof dad dilay iyo Tuugo ama ruux Bangi dhacay.
Niman Burcad ah ayaa weeraray mid ka mid ah Bangiyada Lacagta waxaana intii ay dhacaas ku guda jireen hoos laga wacay Ciidamada Booliiska kuwaas oo dabadeed goobtii si deg deg ah ku soo gaaray intii aysan fakan Tuugadii Bangiga dhacday.
Booliiskii oo Bilado iyo abaalmarin u fakanayay Bangiga hortiisa waxa ay ku go´doomiyeen Gaarigii ay saarnaayeen Burcadii Bankiga dhacday balse Nasiibdaro iyo fudeed dartiis Booliiskii ayaa gudaha Bankiga ku yaacay iyaga oo is leh waad qabateen ragii Burcada ahaa.
Tuugadii Bangiga dhacday ayaa si cajiib ah goobtii si il biriqsi ah kaga fakatay ka dib markii ay arkeen Booliiska fudeedka badan iyo nasiibka oo aad ugu hiiliyay.Daqiiqad wax aanan dhameen ciidamadii Booliiska ahaa oo dib u soo laabtay waxa ay ogaadeen gaarigii dhexdooda ku jiray in ay saarnaayeen Burcadii Bangiga dhacday.