Augustine Mahiga tilmaamay in guulaha hormarka leh ee ay ku talaabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay muu jinayaan sida Soomaaliya ay wadada dhismaha iyo hormarka ugu talaabsaneyso.
“Waan soo dhaweynayaan qabsashada Magaalada Jowhar oo laga saaray Kooxaha Al Shabaab iyo kuwa la midka ah waxaana filayaa in dadaalada halkooda laga sii wadi doono” sidaasi waxaa sheegay Wakiilka Soomaaliya Qaramada Midoobay Augustine Mahiga.
Dhanka kale Augustine Mahiga ayaa ugu baaqay ha’adaha samafalka in ay gaaraan Magaalada Jowhar si wax loogu qabto dhamaan dadka dhibtaateysan ee ku nool halkaasi.
Augustine Mahiga ayaa ugu danbeyntii sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay taageerida dadaal kasta oo Soomaaliya lagu nabadeynayo loogana saarayo mashaakilaadka ay mudada ay ku soo jirtay.