Thursday, June 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Niyad jab haysta ardayda Soomaalida ee jooga Turkiga (Waaladiin cabanaya)

Published on December 12, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay281

Niyad jab haysta ardayda Soomaalida ee jooga Turkiga (Waaladiin cabanaya)

Waalidiinta qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada loogu qaaday dalka Turkiga ayaa ka cabanaya dhibaatooyin caruurtooda ka soo waajahday dalkaas. Waalidiintan ayaa sheegay in markii caruurtooda ay tageen dalka Turkiga loo sheegay in ay dhiganayaan machad lagu barto Diinta oo u dhigma Dugsi sare, markii ay dhameystaan machadkaasna ay geli karaan Jaamacad Diinta lagu barto oo kaliya.

Waalidiintan ayaa sheegay in markii ay caruurtooda ay deeqda waxbarasho ka heleen dalka Turkiga ay aad ugu farxeen laakiin ay hadda murugo aad u xoog leh ay soo wajahday, waayo waxa ay sheegeen in ay doonayeen in caruurtooda ay u soo bartaan Taqasusyo waxbarasho oo ay jecel yihiin iyaga, aadna looga baahan yahay dalka balse ay la yaab ku noqotay in caruurtooda lagu qasbo in ay bartaan diinta.

Maxamed Cabdi oo ka mid ah waalidiinta caruurtiisa ay hadda dhigtaan machadka lagu barto Diinta Islamka ee lagu magacaabo “Imam Hatip” ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay uga mahadcelinayaan taageerada ay u fidisay dadka Soomaalida laakiin uusan raali ka ahayn in wiilkiisa oo todobo sano jir Quraanka kariimka ku xaafiday in maantadan la yiraahdo “maalin walba laba aayad ayaa lagu xifdisiinaa”.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in manhajka Abi Xanafa la barayo caruurta machadkaas dhigata iyagoo la wada ogyahay in Soomaalida ay heysato madhabka Fiqiga ee shaaficiga. iyadoo uu sheegay in ay u sii dheer tahay in luqada lagu baranayo ay tahay luqada Turkiga.

Waalidkan ayaa ku calaacalay `mustaqbalka cunugeyga mugdi ayuu ku jiraa waayo hadii uu waxbarashadiisa soo dhameeyo oo dalka uu ku soo noqdo maxay isaga iyo Soomaalidaba u tareysaa madhabka xanafiyah oo luqada uu ku soo bartayna ay tahay luqada Turkiga”

Intii ugu badneyd ardayda Soomaalida ee tagay dalka Turkiga ee lagu qoray machadka Diiniga ayaa isaga soo tagay, iyagoo dib ugu soo laabtay Soomaaliya.

Waalidiintan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaarada waxbarashada iyo safaarada Soomaalida ee dalka Turkiga in ay arrintaas soo farageliyaan oo ay inta ka hartay caruurtaas loogu ogolaado in ay dalka Turkiga ka bartaan taqasusyo waxbarasho oo wax u taraya mustaqbalka iyaga iyo dalkoodba.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.