Wednesday, June 19th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

War-Deg Deg Goddoomiyaha Barlmaanka Jabuuti oo Muqdisho Soogaray

Published on December 12, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay108

Guddomiyaha barlamanka dalka Jabuuti ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo ay garoonka Aadan Cade ay ku soo dhaweeyeen Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa.

Idiris Aar Naaquud Cali Guddoomiyaha barlamanka Jabuuti ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho waxa uu la hadlay Saxaafada waxana uu sheegay in uu ku farasanyahay imaatinkiisa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha barlamanka Jabuuti ayaa tilmaamay in Jabuuti ay sii hormarin doonto xiriirka ay la wadaagto Soomaaliya islamarkaana uu doonayo in uu arrimo badan oo barlamanka labada dhinac quseeyo uu kala hadlao dhigiisa Soomaaliya Jawaari.

Labada Guddoomiye iyo xubno weliyay ayaa u anbaxabay dhanka Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo lagu wado in Guddoomiyaha Barlamanka Jabuuti uu kula kulmo Madaxda dowladda Soomaaliya.

Booqashada uu guddoomiyaha barlamanka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cali uu ku yimid Muqdisho ayaa qeyb ka ah booqashooyin ay mas’uuliyiinta labadal isweydaarsanayeen taasi oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.