Hogaamiyaha Al-qaacidada Soomaaliya, Axmad Cabdi Godane (Awdiini) ayaa waxa uu ku sheegay khudbad dhinacya badan oo lasoo dhigay barta Internetka ay ku leyihiin in baarlamaanka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa loo sameeyay in ay Soomaalida dhibateeyaan.
Godane ayaa Yiri, “Xubnaha Baarlamaanku waa dad laga soo aruuriyay Qurbaha, waxaa lagu soo shubay afkaar reer galbeed, meesha waa lakeensaday Soomaalinimo kuma Shaqeynayaan, dhamaan waxa ay ka simanyihiin Afkaarta Shisheeye, mid wadani ah ku ma jiro, mid waliba ushii loo soo dhiibay ayuu dabada hayaa”.

Hadalka Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa sidoo kale ku jirtay in xildhibaanada Soomaaliya dastuurka ay ku shaqeynayaan uusan aheyn mid wadaninimo ku dhisan isaga oo tusaale u soo qaatray in xuduudaha dalka uu shaki gelinayo.
si kastaba waxa dad badan ka yaabisay qaabka uu Godane ugu sheegay xildhibaanada Soomaaliyeed in ay afkaar shisheeye ku shaqeynayaan iyadaoo laxasuusan yahay in bilaawgii sanadkaan kooxda Shabaab ee uu hogaamiyo Godane ay cadeysatay in ay ka amar qaadato hogaanka Al-qaacida Ayman Al-zawaahiri oo aan aheyn nin Soomaali ah.