Saturday, May 18th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Godoomiyaha Maxkamada Sare-Waa In nalagu Soowareejiyo Maxaabista Burcad Badeeda

Published on December 12, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay93

uddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf oo maanta kahadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay inkabadan 90 howl-wadeen oo isugu jira garsoorayaal, Xer Ilaaliyayaal, kaaliyaal iyo gaarsiiyayaal ka howl-galayay garsoorka dalka ayaa ka codsaday ciidamada caalamiga ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya in maxaabiista burcadbadeeda ah ee laqabto lagu soo wareejiyo dowladda Soomaliya si loola xisaabtamo dacwadoodana loogu qaado gudaha dalka.

isagoo xusay in maamulada Soomaaliland iyo Puntland la bilaabay in kooxaha burcad badeeda ee laga qabto xeebahoda lagu soo wareejiyo.

Munaasabadan oo ay ka qeybgaleen wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaliya C/llaahi Abyan Nuur iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka garsoorka iyo Cadaaladda C/llaahi Abyan Nuur oo sheegay in mudo hal sano ah uu socday aqoon kororsigan islamarkaana hadafkiisu ahaa sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta garsoorka wadankeena si ay Bulshada uga kaafiyaan adeega Cadaaladda.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay hay’adda horumarinta Mashaariicda ee UNDP kaalinta ay ka geysatay tababarkan iyo jaamacadda Muqdisho oo Wasaaadda Garsoorka Ku Gacan siisay sidii loo kordhin lahaa aqoonta shaqaalaha.

Gebagabadii Munaasabadda Tababarka loogu xirayay qaar ka mid ah Howl wadeenada garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa shahaadooyin katurjumaya Cilmiga ay kororsadeen la Gudoonsiiyay inkabadan 90 Howlwadeen oo uu mudada sanadka kabadan tababarku usocday.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.