Mudane Axmed Cabdi Faarax Milkiilaha Shabakada warbaahinta heegantv.net oo ka mid ah Shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee aadka u jecel Hormarka Suugaanta Somaliya isla Markaasna ku dadaala Dhiira Galinta Abwaanada ayaa Kulan Martiqaad Caalami ah u sameeyay Abwaan da’yar oo lagu magacaabo Abdirahmaan Ahmed Nuure kaas oo Dagan Wadanka Holand.
Horaa Loo Yiri:-
Murtida oo lakala Guraahi
Go’aagoo Rabaciinka Gaaray Maaha
Labaatankii ha Gaasaro Maaha
Ee waa Hibo eebe Kusiiyoo Cidi Kaa Garbineyn.
Kulankan oo ka dhacay Magaalada London ee uu dagan yahay Milkiilahan ayaa ahaa Casho sharaf waxaana ay labada Masuul isla Qaateen Wada sheekeysi Saacado ah kaas oo diirada Lagu saarayay Sidii loo Hor marin lahaa Fanka Somaliya iyo Qaabkii looga Hortagi lahaa Sal Guurinta ay sheegeen in lagu Hayo Dhaqankii somaliya ay caanka ku aheyd.
Mar aan Wareysi Gaar ah la yeeshay Mudane Ustad Axmed ayuu ii sheegay in Abwaankan uu Casuumaada u Fidiyay uu yahay wiil da’yar oo maskax badan isla markaana wax badan kusoo kordhin kara Suugaanleyda Soomaaliyeed dhanka kalena uu Gudoomiye u yahay Ururka La yiraahdo deegaan ee ka dhisan wadamada Qurbaha.
Sidoo kale waxa uu sheegay Axmed in abwaanku uu horay u Curiyay suugaan uu ku Amaanayo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada ka dhisan Dalka somaliya ee sida uu sheegay muteystay in la amaano sida maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb oo u ka so jedo abwanka x kaas oo la orankaro waxa uu ka mid ahaa Maamul Goboleedyadii ugu horeeyay ee ka hana qaaday Dalka Somaliya.
Sidoo kale waxa uu yiri ustaad Axmed “Abwaankan ahna Gudoomiyaha ururka Deegaan waxa uu kaalin libaaxeed ka qaatay Dib u dhiska qaar ka mid ah Deegaanada Gobalada dhexe ee Somaliya.
Waa Markii ugu Horeysay oo uu Milkiilaha Heegantv Casuumaad Ceenkan oo kale ah u sameeyo Abwaan Somaliyed waxa uuna sheegay in ay Casuumaadaani Gogol Xaar u Noqon Doonto Kulamo Sil Silad ah oo uu sheegay in uu la Yeelan Doono Bahda Abwaanada Somaliyed ee ku kala Firirsan Dunida Dacaladeeda
Abdiqani Xassan London