Tuesday, May 21st, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kulamo Aad U Culus Ka Dib Sidee U Aragtaa Isku Aadka Champions League Wareegiisa 16ka.

Published on December 20, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay496

Mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan Champions League waa kulanka ay isku dhacayaan Real Madrid iyo Manchester United, iyadoo kooxda Los Blancos ay lugta hore booqan doonto kooxda Red Devils.

Cristiano Ronaldo ayaa ka horimaan doona kooxdiisii hore ee United, halka ay iska horimaan doonaan labada tababare ee ku caan baxay ciyaar maskaxeedka ee Jose Mourinho iyo Sir Alex Ferguson.

Kulankii ugu danbeeyay ee tartan rasmi ah dhexmara kooxda ku guuleysatay sagaal jeer Champions League iyo kooxda ku guuleysatay seddex jeer Champions League ayaa waxa ay aheyd 2003dii.

Ronaldo-ha kale ee reer Brazil ayaa seddexleydiisii caanka aheyd dhaliyay kulankii ugu danbeeyay, iyadoo wadar ahaan labada lug ay Real Madrid ku badisay 6-5.

Kooxda Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu cadcad tartankaan ayaa iyagana waxa ay mar kale isku soo aadeen kooxda todobada jeer ku guuleysatay Champions League ee AC Milan.

Labadan kooxood ayaa kulankooda isna waxa uu yahay mid aan la sugi karin, iyadoo AC Milan ay kulanka lugta hore San Siro ku soo dhaweyn doonto Barcelona.

15 jeer hore ayay kooxaha Blaugrana iyo Rossoneri kulmeen, oo iskuma cusba.

Arsenal, oo aan weligood ku guuleysan Champions League ayaa wajihi doona kooxdii xilli ciyaareedkii hore gaartay finalka Champions League islamarkaana afar jeer ku guuleysatay koobkaan.

Bayern ayaa kulankoodii ugu danbeeyay ee Arsenal waxaa looga badiyay 1-0 iyadoo goolka uu dhaliyay Thierry Henry 2005tii, laakiin kooxda Jarmalka ayaa ku soo baxday wadarta goolasha labada kulan.

Juventus ayaa ka badbaaday inay ku dhacdo mid ka mid ah kooxaha waa weyn, laakiin waxa ay wajihi doonaan kooxda Celtic oo hore u soo qaaday koobkaan Champions League.

Kulamada kale kooxda Turkiga Galatasaray ayaa wajihi doonta Schalke 04, halka kooxda 2009kii ku guuleysatay UEFA Cup Shakhtar Donestk ay ku dhici doonto Borussia Dortmund.

Kooxda ay iska leeyihiin milkiilayaasha reer Qatar Paris Saint-Germain ayaa booqan doonta lugta hore Valencia, halka kooxda 1986dii iyo 2004 ku guuleysatay Champions League FC Porto ay qaabili doonto kooxda kale ee carabta laga leeyahay Malaga.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.