Tuesday, May 21st, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Gabar Soomaliyeed oo Sixun Lookufsaday Hadana Xubinteedii Tarnka Toreey Loogamuday (yaab)

Published on December 26, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay737

Wararka laga helayo gobalka Sh/hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in haween Soomaaliyeed loo geestay Kufsi wadareed kadibna xubnaha taranka tooreey looga muday, loogana tegay goobtii dhibaatada loogu geestay.

Dhibaatadaan oo ay geesteen rag ku labisnaa Dareeska Ciidanak Dowlada Soomaaliya iidamada ayaa waxa ay ka dhacday inta u dhexeysa Degmada Afgooye Afgooye, iyo deegaanka Mareereey gaar ahaan halka loo yaqaan Beerta Booliiska , halkaasi oo shan haween ah kufsi wadareed loogu geestay, kadibna midi si arxan darra ah looga muday xubinta taranka sida ay ku warameen dadka deegaanka

Dhamaan haweenka lagula dhaqaaqay falakaan foosha xun waxaa ladhigay isbitaalka degmda Afgooye halkaas oo lagu baxnaaninayo sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadku.

Gudoomiyaha degmada Afgooye oo la hadlay Warbaahinta ayaa qiray in Ciidamo katirsan Dowlada ay halkaasi kawadaan Dhibaatooyin ay ugu weyn tahay Kufsi inkastuu uusan soo hadal qaadin dhacdadan xanuunka badan ee shalay ka dhacday Duleedka Afgooye.

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in ay howlgallo lagu baadi goobayo qolyaha kufsiga iyo dhibaatooyinka kale geesta ay fuliyeen ayna kusoo qab qabteen rag looga shakisanyahay in ay kulug leeyihii falkaasi waxashnimada leh ee lagu dhibaateeyay haweenka Soomaaliyeed.

Degmada Afgooye waxaa caadi kanoqday waayahaan dhibaatooyinka loo geysanayo haweenka Soomaaliyeed, waxaana arinkaani uu noqonayaa kii ugu foosha xumaa ee ciidamda dowladu ay sameeyaan , iyadoo shalay subax fal kufsi ah uu isna ka dhacay Duleedka Afgooye oo loo geestay sadax haween ah oo qudaar safrinayay .

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.