
Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay sannadka 2013 ka dib markii ciyaar adag ka dib ay 4-3 ku direen kooxda Real Sociedad oo marti ku aheyd garoonka Santaigo Bernabeu.
Real Madrid ayaa ciyaarta ku soo gashay iyadoo kursiga keydka mar kale la geliyay kabtankooda ahna goolhayaha Iker Casillas.
Los Blancos ayaana ciyaarta hogaankeeda qabatay 90 ilbiriqsi markii ay socotay, iyadoo uu Benzema hogaanka u dhiibay ka dib markii Khedira uu kubad u dhex bixiyay.
6 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta Casillas kuma uusan waarin kursiga keydka oo waxaa casaan qaatay goolhayaha Antonio Adan, isagoo sidoo kale keenay rigoore. Waxaan Real Sociedad u saxiixay rigoorada Prieto oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Casillas.
Sami Khedira ayaana u labeeyay kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 35aad markii kubad uu soo tuuray Carvalho uu ku qaabeeyay ciribtiisa islamarkaana shabaqa dhex dhigay. Isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1 oo hogaanka ku heysay Real Madrid.
Shan daqiiqo ka dib Real Sociedad ayaa barbareysay markii darbo uu tuuray Vela ay u soo laabatay Prieto kaasoo isna dabmariyay goolhaye Casillas, waxaana ay aheyd goolkiisii labaad ee ciyaarta. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 2-2 ah.
Ronaldo oo kabtan u ahaa Madrid kulanka caawa ayaana goolka seddexaad u dhaliyay kooxdiisa, ka dib markii Benzema uu u dhigay kubad qurux badan, isna uu ka hoos bixiyay Bravo.
Daqiiqadii 70aad ayaana Ronaldo uu dhaliyay goolkiisii labaad ahaana kii afaraad ee Real Madrid isagoo dhaliyay laad xor ah oo toos ah. Waxaana uu ciyaarta ka dhigay 4-2 oo hogaanka ay ku heysay Real.
7 daqiiqo ka dib Real Sociedad ayaa ciyaarta ku soo laabatay iyadoo Prieto uu dhameystirtay seddexleydiisa waxaana uu ciyaarta ka dhigay 4-2.
Daqiiqadii 79aad ayaana Real Sociedad waxaa casaan ka qaatay Estrada markii uu jaale labaad ku qaatay Ronaldo, labada kooxood ayaana wada noqday min 10 ciyaaryahan.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-3 oo ay guusha ku raacday Los Blancos oo heshay guul ay u baahnaayeen.