Tuesday, May 21st, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ninkii ugu caansanaa kooxaha burcad badeedka oo tanaasulay (Sawirro)

Published on January 10, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay547

Ninkii ugu caansanaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo kooxdiisa ay ka tanaasuleen falkii burcad badeednimo ay ka wadeen Biyaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan oo ay maraakiibta ka soo afduuban jireen.

Munaasabad shalay ka dhacday degmada Cadaado ayuu Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaanay Afweyne kaga dhawaaqay inuu ka baxay howshii burcad badeednimo, iyadoo munaasabadaas ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Mr Afweyne ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka tanaasulo falalkii burcad badeednimo, isagoo xusay inuu waday howlo uu ku hanuuniyay dhalinyarada burcad badeedka, si ay isaga dhaafaan howshii ay ku jireen.

“Waxaan go’aansanay inaan iska joojino howlihii burcad badeedka, wixii hada ka dambeeya kuma laaban doono”ayuu yiri Afweyne oo intaa ku daray in falalka burcad badeednimo uu ku soo jiray muddo sideed sano ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Mr Tiiceey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dhalinyaradii burcad badeedka inay ka tanaasulaan, isagoo beesha caalamka ugu baaqay inay joojiyaan xadgudubta maraakiibtooda ku hayaan biyaha Soomaaliy

 

 

burcad_badeed_tanaasul_1

 

 

 

 

 

 

burcad_badeed_tanaasul_2 burcad_badeed_tanaasul_3 burcad_badeed_tanaasul_4 burcad_badeed_tanaasul_5 burcad_badeed_tanaasul_6

by:nasrudiin

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.