Thursday, June 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Daawo Sawirrada Garoonka Koonis oo 23sano Kadib Dib Loogu dhelayo

Published on January 12, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay630

Garoonka Kubadda cagta Koonis oo ah garoonka ugu faca weyn Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in laga dhigo mid caalami ah, kadib markii la saaray cowska cagaaran ee macmalka ah.

Waxaa indhahaaga soo jiidanaya quruxda dooga cagaaran ee la dhigay garoonka oo in muddo ah lagu dul dagaalamayay, raadadkii ay reebeen dagaaladaasina weli ka muuqda, inkastoo aan weli la dayactirin dhismaha kale ee darbiga iyo halka loogu tagalay in ay fadhiistaan dadweynaha daawanaya ciyaaraha lagu qabto.

Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Guddiga Olombikada ayaa dadaal dheer oo ay u galeen sidii loo heli lahaa daryeel iyo dayactir waxaa hada uu helay in la dhigo dooga cagaaran ee macmalka ah.

Waxaa howshan fulisay oo gacanta ku haysay shirkadda handasada casriga ah ee geeska Afrika ee East African Modern Enginering (EAMECO).

Dhanka kale Garoonka weyn ee Muqdisho Stadium ayaa weli xarun u ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo xarun milateri u ah, iyadoo horay ay u deganaayeen maliishiyo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale ciidamadii Ethiopia ayaa fariisin u aheyd halkaasi.

Xiriirka K/cagta Soomaaliya ayaa baaq iyo codsi ay u direen Ciidamada AMISOM aysan weli ka jawaabin inkastoo ay ballan qaadeen iney ka bixi doonaan, mana jirto waqti ay u qabteen



Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.