Website-ka UEFA ayaa ku dhawaaqay kooxda sannadka, markii ugu horeysay hal ciyaaryahan oo Premier League ka ciyaara kuma jiro.
UEFA waxa ay sheegtay in rikoor shan milyan iyo 300 oo codad ah in lagu dhiibtay website-ka UEFA www.uefa.com, waana boqolkiiba 20 in ka badan sannadkii hore, iyadoo sideed ciyaaryahan oo ka mid ah kooxda sannadka UEFA ay ka ciyaaraan La Liga.
Kooxda sannadka UEFA oo haatan maraya sannadkiisii 12aad ayaa waxaa u codeeya 11ka ciyaaryahan ee ugu fiican Yurub taageerayaasha kubada cagta adduunka.
Barcelona iyo Real Madrid ayaa waxa ay ku leeyihiin min afar ciyaaryahan, iyadoo isla sannadkii hore ay 8 ciyaaryahan ku lahaayeen labadan kooxood.
Xiddiga Real Madrid Cristaino Ronaldo iyo xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa hogaaminaya weerarka kooxda sannadka UEFA, halka Iker Casillas uu yahay goolhayaha sannadka sannadkii lixaad oo isku xiga.
Kooxda sannadka UEFA ayaa ka duwan kooxda sannadka FIFA oo 11ka ciyaaryahan ay wada ahaayeen ciyaartoy ka ciyaarta La Liga, laakiin kooxda sannadka UEFA waxaa ku jira Philipp Lahm, Andrea Pirlo, Thiago Silva, halka Mesut Ozil uu isna ku jiro inkastoo uu ka maqnaa line-upka sannadka ugu fiican ee adduunka.
KOOXDA SANNADKA UEFA:
Iker Casillas (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid), Gerard Pique (Barcelona), Thiago Silva (AC Milan/Paris Saint-Germain), Philipp Lahm (Bayern Munich), Andres Iniesta (Barcelona), Xavi Hernández (Barcelona), Andrea Pirlo (Juventus), Mesut Özil (Real Madrid), Lionel Messi (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Real Madrid).