Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay Magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen Hub iyo Waxyaabaha Qarxa ay sheegeen in ay lahaayeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee kusugan Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.
Halkaan Kadaawo Muqaalka Hubka Lasoo Bandhigay
Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa saakay si gaar ah u beegsaday Guryo kuyaala Degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadir halkaas oo markii ay gaareen ee Ciidamadu kusoo qab qabteen Hub badan iyo waliba dadkii kusugnaa Guryaha Howlgalka laga sameeyay.
Hubka Ciidamada ee Gacanta kusoo dhigeen ayaa waxaa kamid ahaa ilaa 7-Qori oo Nuuca AK-47 ,Hal qori oo daba miishaar ah ,Hal qore oo nuuca Jabshaha loo yaqaan ,Rasaasta Qoriga Sabanka iyo Bambaanooyin la sheegay in Al-Shabaab u adeegsan jireen Falalka aman daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo Warbaahinta kula hadlay Halka lagu soo bandhigay Hubka iyo Tiro dad ah oo looga shakisan yahay in Al-Shabaab katirsan yihiin kuna sugnaa Goobihii Hubka laga soo qabtay ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay dadkaasi uu ku sheegay in ay yihiin kuwa Falalka aman daro Magaalada ka geesta.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Hubkan uu ahaa midka Xiliyada Habeenkii Weerarada looga geesan jiray Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iminkana ay Ciidamaad ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan Hubkaas iyo Qaar kamid ah Dadkii isticmaali jiray.
Ciidamada Dowlada ayaa Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho waxa ay ka wadeen Howlgalo amaanka lagu xaqiijinayay kaa oo lagu soo Qab qabtay dad tiro bbadan oo qaarkood lasii daayay halka kuwa kalana ee wali xabsiyada kujiraan.