Saturday, May 25th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Risilwasaare Saacid oo Safarkii Uguhoreeyay Muqdisho Uga-anbabaxay

Published on January 20, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay99

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa booqasho ku tegey maanta degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wafdiga uu hogaaminayay R/wasaaraha oo safarkoodu ahaa mid dhulka ah ayaa la adkeeyay ammaanka wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ammaankeedu uu xumaa iyadoo dadka rayidka ah ay cabasho ka keenayeen ciidamada ammaanka ee ka howlgala wadadaas.

R/wasaaraha oo markuu gaaray degmada Afgooye la kulmay maamulka iyo duqeyda degmadaas ayaa ka dhegeystey warbixino ku saabsan xaalada nolosha dadka ku nool degmada Afgooye.

Waxana uu R/wasaaraha hadal uu u jeediyay shacabka reer Afgooye uu sheegay in aysan dowladu u dulqaadan doonin in ciidamada milatariga dhibaateeyaan dadka rayidka ah.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeeno iyo taliyaasha ciidamada Nabadsugida iyo ciidamada Booliiska iyo saraakiil kale.

Booqashada R/wasaaraha uu ku tegey degmada Afgooye ayaa ah tii ugu horeysey ee uu ku tago gobolka Sh/hoose tan iyo markii loo magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.