Auristela Viana da Silva oo ah 23 jir ayaa sanado badan dhib ka haystay dhanka hadalka, cunida iyo neefsashada kadib markii ay ku dhalatay carrab la’aan.
Haweeneydaan oo u dhalatay wadanka Brazil ayaa dhaqaatiirku la yaabanaayeen oo ku wareersanaayeen xaaladeeda balse ay ku guuleysteen inay noolasha u fududeeyaan iyagoo ku sameeyay qaliin dhanka afka ah kalana durjiyay gowsaheeda iyo daamamkeeda.
Viana Da Silva ayaa haatan dhigata jaamacad.
gabadhaan ayaa tiri: “hada sidii hore si dhaanta ayaa u hadli karaa cuntada calaajinteedu wa ii dhib yaraatay dadka si fiican ayaan ula xiriiri karaa.
Gabadhaan ayaa tan iyo yaraanteedii waxaa lasoo siinayay daawooyin aan waxba ka tirin iyo qaalin aan waxba ka badalin xaaladeeda balse ugu dambeyn koox dhaqaatiir ah oo uu hogaaminayo Jorge Faber oo ah dhaqtar lasocday xaalada gabadhaan tan iyo yaaraanteedi ayaa goo’aansaday inay kusameeyaan qaliin afka ah taasoo ay ku guulaysteen, gabadhaan noolasheedana wax ka badan ka badashay bog cusubna u furtay
Hooyada dhashay gabadhaan ayaa tiri: “Hada waxay ku nooshahay noolal caadi ah waxbay barataa, balse markay dhalatay oo aan afkeeda furnay waxaan islahayn ma noolaan karto.”
Halkaan Kadaawo Muqaalka Mucjisada Rabi
Haweeneeydaan ayaa noqonaysa qofka sadeexaad ee inta lo’ogyahay dunida ku dhasha carrab la’aan iyadoo ay jirto gabar kale oo u dhalatay wadanka Mareykanka taasoo magaceeda kusoo koobtay Kelly,
Kelly aya markay warkaan maqashay u duushay dalka Brazil sii loogu daaweeyo sida Viana Da Silva loo daaweeyay o kale.
Xirsi Axmed Shire
Saafifilms
Kuala Lumpur Malaysia