Dibad bax balaaran oo ay isugu soo bexeen bulashada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Suuqii Ceelgaabeed ee magaalada Muqdisho oo gudoomiyaha gobalku uu u bixiyay beerta nabada kadib markii uu baneeyay.
Banaan baxaan ayaa waxaa isugu yimid kumanaan dad ah oo ka kala socday degmooyinka gobalka Banaadir, waxaana khudbado ka jeediyay Wasiirka koowaad ee dalka iyo Wasiirka arimaha gudaha oo dhamaan ka hadlay muhiimada dibad badaaxsi oo ahaa mid lagu muujinayay sida Soomaalidu ay raalliga uga tahay aqoonsiga dowlada Mareykanka oo ah dwolada xiligaan ugu tunka weyn aduunyada.
Dibad baxa ayaa waxaa sidoo kale ka muuqday sawirada madaxweynaha dalka mareykanka Barack Obama oo katurjumaya in isu soobaxa loogu tala galay weyneynta xariirka cusub ee ay yeelanayaan dowlada aduunka ugu tunka weyn iyo dowlada aduunka ugu dhibaatada badneyd sanad kahor.
R/wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa waxa uu ugu baaqay dowladaha kale in iyana ay sidaan oo kale u aqoonsadaan dowlada Soomaaliya oo uu kufaanay in ay latimid wax keeni kara in laâaqoonsado.







