Magaalada Muqdisho ayaa xiligan hor mar lataaban karo kusii tilaabsanaysa iyadoona laga dhisayo magaalada dhismooyin qurux badan iyo daaro waa weyn oo xiligan soo jiidanaya indhaha dadka kunool Magaalada iyo kuwa shaashadaha ka daawada.
Hadaba markii aan eegno Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa waxaa laga dhisay dabaqyo waa weyn oo inta badan u badan kuwa ganacsi loogu tala galay kuwaa oo qeybahooda kala duwan laga kireeyo ganacsato .
Milkiilayaasha dabaqyada ganacsi ama kireesatayaasha ayaa waxa ay sameeyaan in dusha sare ee Dabaqyada iyo daaraha dhaa dheer in ay ka dhistaan jiingado si ay u dagaan oo ugu noolaadaan dhisamayaasha kalana ee kiro kaga qaataan.
Dabaqyada qaar ayaa laga dul dhisaa Jiinagdo deegaan ahaan loogu noolaan karo iyo kuwa sidoo kale loo isticmaalayo baqaar ahaan si loogu keedsado alaabaha inta badan lagu iibiyo qeybaha hoose maadaama aan hoos alaabta aysan wada qaadin.
Dad badan ayaana arintan ku tilmaamay kaarto yaab badan ee dheelayaan kireestayaasha ama milkiilayaasha daaraha dhaa dheer ee kuyaala Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo iyagu Deegaan ahaan u isticmaalaya dhismaha dushiisa sare.








