Tan iyo markii ay soo qaan gaartay gabadha uu dhalay jilaaga Saif Ali ee Sara Ali Khan, waxaa warbaahinta India ay qorayeen in Sara dooneyso iney gasho Bollyoodka, sidoo kale Sara iyo hooyadeed Amrita Singh ayaa lasoo bandhigay iney wada jilaan filim.

Hooyada dhashay Sara ee Amrita Singh ayaa xaqeejisay in gabadheeda loo soo bandhigay filim laakiin xiligaan ay wax baraso ku jirto xoogana ay saareyso dhinacaas kaliya.
Saif Ali Khan ayaa sidoo kale yiri Sara waa xur waxa ay rabto iyada ayaa dooraneysa balse waxaan kula tali lahaa in marka hore ay dhameyso wax barashada, maxaa yeelay filim jilistu waa wax iska furan oo xiligaa doonto aad ku biiri karto.