Hey’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa waxa ay maanta shaacisay in Kenya kadib kulan hey’adu laqaadatay ay ogolaatay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee Nairobi kunool aan si xoog ah lagu celin, hasa yeeshee taa bedelkeeda qaxootigu ay ku laaban doobaan rabitaankooda.
Kenya ayaa dhamaadkii sanadkii tegay waxa ay amar ku bixisay in Soomaalida qaxootiga ah ee kunool Nairobi in ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga hadii kale si qasab ah lagu celinayo arintaas oo Soomaalidu ay ku jaha wareer sanaayeen.
Arintaan waxa ay kusoo beegmeysaa xilli Soomaalidu ay sugayeen oo kali ah in xoog lagu raro maadaama uu dhamaaday xiligii loo qabtay in ay guuraan.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxa ay kunoolyihiin xaafada Islii ee caasimada dalkaasi Nairobi ku taalla, waxaana go’aankaan cusub ee kasoo baxay Kenya ay kusoo dhaweynayaan si laab furnaan ah.