Alex Riachi oo ah nin u dhashay wadanka Lubnaan ayaa baadi goob ugu jira sidii uu u gali lahaa buuga lagu daabaco waxyaabaha la yaabka ah ee dunida ee lagu magacaabo Guinness book of world records ka dib markii tintiisa uu adeegsadey in uu ku jiido baabuur waa weyn, isagoo sidoo kale diyaar u ah in uu ku jiido diyaarad weyn oo nooca rakaabka ah.
Sida ay tabisay wakaalada wararka National News Agency ee dalka Lubnaan Alex oo 30 sano jir ah kana soo jeeda magaalada Zahle Ayaa Qaybta Dambe Ee Tintiisa Intuu Isku Duubay Si Toos Ah Gaari Ugu Jiiday