Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Dalka Sudan Mudane Haji Ibna Siid ayaa kulan xaasaasi ah oo looga hadlayay iskaashiga labada dal wax ay kuyeesheen Khartum.
Jaylaani Nuur iikar, Gudoomiye Kuxigenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku booriyay Baarlamaanka Dowladda Sudan oo ku jira Gudiga Fulinta ee Baarlamaanada Wadamada Islaamka ah in si wanaagsan ay ula socdaan qodoba muhiim ahaa oo Soomaaliya khuseeyay loogana hadlay kulankii ugu danbeeyay ee baarlamaanka carabta.
Kulankaan ay yeesheen baarlamaanada labada dale e Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa goob joog ka ahaa Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka sudan, Maxamed Cabdulaahi Ugaas iyo Uqaybsanayaasha Safaarda waxbarasha iyo ganacsiga Marwo Suusan Xirsi Faarax iyo C/qaadir Guulane.






