Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa

Published on January 27, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay127

Shir madaxeedka sanadlaha ee Midowga Afrika ayaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo looga hadlayo arrimo badan oo quseeya arrimaha Afrika.

Madax fara badan oo ka socda Afrika ayaa labadii maalmood ee u dambeysay ku qul quleysay magaalada Addis Ababa, waxaana shirkan sanadlaha uu ka duwan yahay shirarkii hore, maadaama qeybo ka mid ah Afrika ay ka jiraan qalalaaso xoogan.

Ajandayaasha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dagaalada ka socda Mali oo ay ku lug leedahay dowladda Faransiiska, Khilaafka dhinaca xuduudaha ee u dhaxeeya Labada Sudan, xaalada Soomaaliya iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ayaa maanta ka qeyb galaya, iyadoo khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo is bedeladii ka dhacay uu ka jeediyo.

Sidoo kale shirkan ayaa marka la soo gaba gabeeyay la filayaa in madaxda IGAD ay ku kulmaan Addis Ababa, waxaana si gaar ah uga hadli doonaan arrimaha amaanka iyo siyaasada Soomaaliya.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya sanadkii hore ka baxday KMG, isla markaana la doortay Madax cusub oo bedelay madaxdii hore.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.