Monday, May 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Howlgalkii Ugubalaranaa oo Maanta Muqdisho Kasocda

Published on January 27, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay131

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal amaanka lagu xaqiijinayo kafuliyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowlada iyo dadka deegaanka.

Howlgalkaasi oo si wada jir ah ay uga qeyb qaateen police-ka, nabad sugidda iyo meleteriga ayaa waxaa laga fuliyay degmada Hodon gaar ahaan agagaarka Tarabuunka halkaasi oo lagu soo qab qabtay ugu yaraab 200 oo ruux oo looga shakiyay in ay Shabaabka katirsanyihiin.
Maxaabiis
Howlgalkaasi oo bilaawday kadib salaadii subax ayaa saraakiisha hogaamineysay waxa ay sheegeen in looga gol lahaa kacirib jaridda kooxda Shabaab gudaha Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa waxa uu qeyb kayahay howl-gallo ciidamada amaanku ay ku bacsanayaan Shabaab iyo taageerayaashoda oo bishaan oo dhan ka soconayay Muqdisho.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.