Wednesday, June 19th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qaar Kamid ah Wariye Yaasha Muqdisho oo Maanta Arin Lagayaabay Kusoobandhigay Muqdisho (Daawo-Sawirrada)

Published on January 27, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay307

Inta badan wariyaasha Muqdisho ayaa maanta waxa ay ka qeyb galeen kulan lagu lafa gurayay dhibaatada isisootareysa ee dowlada Soomaaliyeed ay kuheyso saxaafada Soomaaliya iyada oo si gaar ah kulanka diirada loogu saaray xariga Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) oo muda 18-maalin ah ay dowladu gacanta kuheyso.

Kulanka intii uu socday ayaa ka qeyb galayaasha dhamaan waxa ay isku raacen in Cabdi Casiis uu si kaa awood badni ah dowladu ay ku heysato, arintaasina ay tahay mid ka dhan ah xuriyada saxaafada waxaana loogu baaqay dowlada in sida ugu dhaqsaha badan ay xuriyadiisii ugu soo celiso Cabdi Casiis oo 17 maalin kadib xabsiga dhexe loo gudbiyay maalintii shalay aheyd.

Wariyaashii isu imaatinkaasi isugu yimid ayaa waxa ay iyaga oo muujinaya sida dowladu u dooneyso in ay saxaafada madaxa banaan u aamusiso afka ku xirteen Sharooto calaamada Istalaabka ah lamariyay iyaga oo sidoo kalana gacmaha isaga xiray Jeebooyin, arintaas oo laga metelayo “Hahadlin hana qorin” oo ah habka dowlada cusub ay lasoo ifbaxday.

Wariyaasha ayaa waxa ay sideen astaamooyin ay kamid ahaayeen sawirka wariye Cabdi Casiis oo hoos looga qoray “halasoo daayo Cabdi Casiis” iyo sidoo kale erayo ay kamid ahaayen “Respect the freedom, Xushmee xuriyada hadalka”, qaar kamid ah wariyaasha waxaa madaxa ay kuxirteen astaan isku mid ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin caburinta xad dhaafka ah.

Kulanka maanta ayaa waxa uu qeyb ka ahaa cabashooyin ay waaydaan wadeen saxaafada Soomaaliyeed ee madaxa banaan kadib markii ay bilaabatay caburinta ka dhanka ah ee ay lasoo ifbaxday dowlada uu hogaanka kayahay Xassan Sheekh Maxamuud.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.