Monday, May 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaad ka Taqaan Haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika (Warbixin + Daawo Sawirada)

Published on January 27, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay209

Wargeyska Forbes ee dalka Maraykanka ka soo baxa, oo had iyo jeer ka faalooda dadka ugu hodansan dunida, kuwa ugu saamaynta badan iyo kuwa ugu caansan ayaa warbixin ay soo daabacday dhawaan ku sheegtay in haweenayda kaliya ee Afrika Bilyaneer Gaadhay ama lacagta ay haystaa kumayaal milyan dhaaftay tahay, gabadha uu ku curtay madaxweynaha dalka Angola, Mr. Jose Eduardo Dos Santos, oo iyadana lagu magacaabo Isabel.

Gabadhan uu dhalay madaxweynaha Angola Isabel oo dadeedu tahay afartan jir, sida wargeysku sheegay waa mid aan inta badan, soo hor joogsan iskana qarisa kamaradaha iyo warbaahinta, waxaanay iyadu maamule ka tahay inta ugu badan shirkadaha dalkaas ka shaqeeya ee shidaalka iyo macdanta ka qoda.

Sanadkii 1997-kii ayay gabadhani sida Forbes ku warantay ay magaalada caasimadda u ah dalka Angola ee Luanda ka furatay hudheelka ugu wayn magaaladaas oo lagu magacaabo, (Miami Beach), waxaanay si rasmi ah u maamushaa Shirkado badan oo fadhigoodu yahay Angola iyo Portugal oo ah waddankii hore u gumaysan jiray dalkaas.

Gabadhan ayay Forbes sheegtay in ay leedahay 28% boqolkiiba Saamiyada Shirkada (ZON) oo ah shirkada ugu wayn isgaadhsiinta dalka Portugal, waxa kale oo ay 19.5% boqolkiiba leedahay saamiyada Bangiga ugu wayn dalka Portugal ee lagu magacaabo, (BBI).

Jariirada Forbes ayaa sidoo kale ka warantay in gabadhani saamiyo tiro badan iyo rubuc raasmaalka shirkado badan oo ka jira dalka Angola ay leedahay, taas oo marka la isku cel celiyo dakhligeedu gaadhay sida jariiradu sheegtay Hal Billion ama kun Million oo dollar.

Dalka Angola oo muddo todoba iyo labaatan sanadood ah uu ka socday dagaal sokeeye, oo la soo afjaray sanadkii 2002-dii, waxa uu laga bilaabo xiligaas noqday waddanka kowaad ee shidaalka ugu badan u dhoofiya dunida marka laga hadlayo dalalka Qaarada Africa, hasa yeeshee lacagta xooga leh ee ka soo xerootay shidaalku maaha mid gaadha shacbiga dalkaas oo intooda badani ku nool yihiin xaalad saboolnimo oo ka hoosaysa heerka saboolnimada dunida lagu qiyaaso.

Faysal Maxamed Xasan






Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.