Thursday, June 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shiikh Fu,aad Shongale oo Hadal Dadbadan Kufarxeen Sheegay(Waamaxay)

Published on January 27, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay661

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf oo kamid ah masuuliyiinta sar sare ee xarakada Shabaab ayaa wuxuu ka hadlay dilalka loo geesto dadka muslimiinta ah isaga oo ka hadlaye nadwo diini ah oo ka dhacday masjid la sheegay inuu ku yaalo deegaan ka tirsan gobalka Hiiraan.

fuad-shangole

Fu’aad Shongole ayaa sheegay in dhiiga qofka muslimka ah oo la daadiyo ay tahay arin dambi ah islamarkaana si sahal oo fudud aan lagu daadin karin dhiiga qof muslim ah.

Wuxuu sheegay isaga oo soo daliilsanaye aayado qur’aan iyo sidoo kale xadiisyo in baneeysashada dhiiga dadka shacabka ay tahay mid weyn oo dambi ah laguna deg deg karin.

Sheekh Fu’aad ayaa yiri “Waligiin yaan la idiin tilmaamin inaad daadisaan dhiiga qofka muslimka ah waa qatar dhibaato weyn ay ka dhalan karto”

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Xarakada Shabaab ay wadaan dagaalo xoogan oo ay kula jiraan sida uu sheegay gaalo dalka kusoo duushay loona baahan yahay in laga hortago awoodooda.

Dad badan waxa ay xasuustaan in Sheekh Fu’aad uu horay usheegay in cid waliba oo taageerta Dowladda Soomaaliya dhiigeeda uu banaan yahay sidoo kalena hadii la dilo uusan dambi laheyn.

Su’aasha dadka ay isweeydiinayaan ayaa iminka ah Sheekh Fu’aad miyaa iminka gartay in dhiiga muslimka oo la baneesto ay tahay arin qalada oo uusan horay u ogeyn.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.