Dowlada Turkiga oo kamid ah dalalka kujira ururka NATO, kuna jirta dowladaha dunida ugu dhaqaalaha badan ayaa waxa ay kubiirtay dowladaha bixiya qarashaadka ciidamada nadab ilaalinta midawga Afrika ee Soomaaliya jooga. Qarashka Turkigu ay kubixiyeen howlgalka midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay $1mn (Hal Milyan oo doolar), kaas oo wasiirka horumarinta Turkiga oo tegay Addis Ababa uu jeeg ahaan ugu wareejiyay madaxaha golaha amaanka iyo nabad gelyada midawga Afrika. Turkiga ayaa waxa ay laga soo bilaabo xilligii abaaraha kahowl gelayeen Muqdisho iyada oo ay yaraayeen beegsiga Alqaacidada Soomaalliya ee ka dhanka ah Mawaadiniinta Turkiga ee dalka, waxaana marag madoonta ah in mawaadiniin Turki ah oo ilaaladoodu yartahay amaba aan ilaala wadan ay gaadiidka raaxada magaalda kudhex wateen. Arintaasi waxa ay muujineysaa in Shabaabku aysan wax didid ah aysan kaqabin, hasa yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in Shabaabku ay arintaani hadal kasoo saaraan maadaama Shabaab iyo AMISOM aysan wax xariir ah laheyn qarash AMISOM lasiiyana uu yahay dagaal Shabaab lala galay. Horay Shabaab waxa ay ugu goodiyeen dowlado kulug leh kaabida ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga, hasa yeehsee waxaa laga war dhowrayaa go’aanka Shabaabku ay kasoo saaraan arintaani.