Wednesday, May 22nd, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Jaaliyada Beesha Maxamuud Hiraab oo Hogaan Cusub Ku Dooratay Nairobi+Sawiro

Published on January 28, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay164

haaShir  ay isugu yimaadeen waxgarad ,culumaa,udiin, Dhalinyaro, Haweenka  Beesha Maxamuud Hiraab ayaa lagu qabtay Hotelka Grand royadoona Shirkaan uu ahaa mial ee Magaalada Nairobi iyd heer sare ah oo beesha Maxamuud Hiraab ay u dhameed.

Ugu horeyn shirkaan ayaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka kadibna waxa makarafoonka loo dhiibay Mid kamid Culumada Beesha Maxamuud hiraab isagoona bogaadin u jeediyay dadkii ka soo qeyb galay shirkaasi.

Sidoo kale Shiikha ayaa hoosta ka xariiqay in kulankaan  in uu ku soo aaday xili Xasaasi ah  oo ay Beeshu  ku sugan tahay Xaalad adag.

Kulankan oo ay ka soo Qeybgaleen ku dhawaad 200- oo qof oo iskugu jira siyaasiyiin wax garad dhalinyaro Haween, ayaa looga hadlay sidii Jaaliyada Beesha Maxamuud Hiraab u samaysan lahayd Hogaan Cusub gaar ahaan Jaaliyada Beesha Maxamuud Hiraab ee Nairobi joogta.

Shirkaan ayaa waxaa soo abaabulay dhalinyaro ka Timid Yurub iyo Waqooyiga Amerika kuwaas oo soo marar dalal badan oo ka mid ah caalamka, kuwaas oo kala hadlaya Jaaliyadaha beesha Maxamuud Hiraab sidii loo dhisi lahaa Hogaan Mideeya Beesha, oo ay iskugu yimadaan.

“ waxaa loo baahan yahay in Jaaliyada  ay Midowdo dhaqaale iyo aqoon waa la haystaa laakiin waxaan jirin Midnimo iyo iska warqabid, waa in la dhisaa Degmooyinka iyo Tuulooyinka aan ka soo Jeedno, Garoomo ma Leh Degmooyinka aan ka soo jeedno”ayuu yiri Ugaas maxamed Xaashi.

Waxa uu sheegay Ugaaska in loo baahan yahay in Jaaliyada Beesha ay fadhiga ka kacdo ayna horumar wax Barasho caafimaad iyo dhaqaale ka samayso Gobolada ay ka soo jeedaan.

Sahro Ugaas oo ka mid ah haweenka u Dooda  Xuquuqda aadanaha kana mid ah Haweenka Beesha Maxamuud ayaa sheegtay in Beesha ay leedahay Gobolo badan ayna maanta waxba loo qaban oo aysan lahayn Garoon iyo horumar kale oo bulsho.

Sidoo kale C/fitaax oo ah Gudoomiyaha jaaliyada UK ee Beesha Duduble kana mid ahaa dhalinyaradii ka Timid Dalalka Yurub iyo Waqooyiga amaerika, kuwaas oo soo maray Dalal badan oo caalamka si ay kulamo ula qaataan Jaaliyada Beesha..

Shirkaan ayaa ugu danbayntii waxaa lagu doortay Hogaan Mideeya Beesha Maxamuud Hiraab ee Duduble kuna dhaqan dalka Kenya.

Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa cod aqlabiyad leh loogu doortay in uu Gudoomiyaha Jaaliyada Beesha Duduble Noqdo Xasan Maxamed Caarad.

Gudoomiye caarad oo halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay in Jaaliyada Beesha ay ku midoobaan arintan ayna muujiyaan isku kal soonaan.

“ waxaan leeyahay dhalinyarada Gudi Haween iyo Gudigeena waa ay wada shaqayn Doonaan, marka waxaan dhihi lahaa beesha ha u soo jeesato in ay la Tartanto Beelaha kale ee Walalahooda  ah oo sameeyay horumar, gaar ahaan Degmooyinkooda ka samaystay horumar sida wax barasho dhisme Garoomo wadooyin iyo arimo kale”ayuu  Xasan Maxamed Caarad.

Ugu Danbeyn Shirkaan ayaa waxa uu ku soo gabagabooyay jawiga wanaagsan waxa dadkii ka soo qeyb galay ay balan qaadeen inay la shaqeyn doonaan Gudoonka Cusub ee Beesha Maxamuud Hiraab yeelatay

Cabdi shakuur faarax Cigale (Washiton)

Cabdishakuurc88@gmail.com

Nairobi_Kenya

Tel:  +254710330352

12111094.56832  1234.5689101112

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.