Tiro ka tirsan Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa waxay goor dhaw gaareyn Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, wuxuuna safarkoodu ahaa mid soo boodda ah, oo aan horey loo sii shaacin.
Wasiirada maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Mudane C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Wasiiradaan ayaa waxaa socdaalkoodu ku wehlinaaya Saraakiil ka tirsan Saraakiisha Dowladda, waxayna ka amba baxeyn Magaalada Muqdisho, iyadoo Magaalada Baydhabo ay geysay diyaarad gaar ah.
Wasiiradaan ayaa wuxuu socdaalkoodu Magaalada Baydhabo uu ku aadan yahay, inay u kuur gallaan xaalada guud ee Magaalada Baydhabo iyo sida uu yahay ammaankeed.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu maanta yahay mid si weyn loo adkeeyay, waxaana iska kaashanaaya Ciidamada Dowladda iyo Ciidamada Amisom.