Friday, May 24th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ururka Haweenka Beesha Maxamuud Hiraab oo Nairobi Ku Doortay Hogaan Cusub +Sawirro

Published on January 29, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay163

8Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen Dhamaan Haweenka Beesha Maxamuud Hiraab ayaa ka dhacay Magaalada Nairobi iyadoona kulankaan ay Haweenka Beesha ku doorteen Gudoon Cusub.

Kulan kan ka dhacay Magaalada  Nairobi oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah haweenka Beesha Maxamuud hiraab ayaa waxa ay doorteen Gudoomiye cusub kaas oo hogaamin doona Jaaliyada Haweenka Beesha  iyagoona u doortay Hibo Maxamed rooble.
Sidoo kale xafladaan lagu doortay Gudoomiyaha Haweenka Beesha Maxamuud Hiraab ayaa waxa goob joog ka ahaa Odayaal Siyaasiyiin iyo Dhalinyarada Beesha Maxamuud Hiraab waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen Hogaanka Cusub oo ay yeeshaan Haweenka Beesha Maxamuud Hiraab.

Haweenka Ka soo Qeybgalay xalfadii lagu doortay Gudoomiyaha Haweenka Beesha Maxamuud Hiraab ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 100-haween ah waxayna  qaarkood ay halkaasi ka jeediyeen qubado kala duwan kuwaas oo badankooda u muuqanaayay kuwo lagu taageeraayay Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Haweenka Beesha Maxamuud Hiraab Marwa Hibo Maxamed Rooble.

Marwo Hibo Maxamed Rooble ayaa Markii loo doortay Gudoomiyaha Haweenka Beesha Maxamuud Hiraab  la hadashay dadki ka soo Qeybgalay Xaflada iyo Saxafiyiinta waxa ay kawar bixisay dareenkeeda ku aadan Gudoomiyanimada loo doortay waxayna sheegtay inay soo dhaweynayso xilka loo dhiibay.

Ugu dambeyn Marwo Hibo Maxamed Rooble ayaa hoosta ka xariiqday inay wax badan ka qaban doonto dhibaatada heysta Haweenka Beesha waxayna tixgabay ah oo isugu jirta baraarujin iyo dhiirigalin ay u jeedisay haweenka Beesha Maxamuud Hiraab.

W/Q: Cabdi Shakuur Faarax Cigale

Cabdishakuurc88@gmail.com

Nairobi_Kenya

Tel: +254710330352

1 2. 3 4 5 6 7 8 9 10

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.