Thursday, May 23rd, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Daawo Sawirradii Udanbeeyay ee Ruuxii Isqarxiyay

Published on January 29, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay510

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtoyada ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qofka isku soo xiray waxyaalaha qarxa ay u suurtogali weysay in uu gudaha u galo xarunta madaxtoyada waxana uu isku qarxiyay albaabka hore ee xarunta madaxtoyada meel aan ka fogeyn safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxan ayaa waxaa ay ahaayeen askartii ku sugneyd albaabka hore ee xarunta madaxtoyada villa Somalia.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay ahayd meel ammaan ah oo aysanka dhicin qaraxyada gaar ahaan kuwa ismiidaadinta ah.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.