Friday, May 24th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Magaca Iyo Sawirka Ruuxii Maanta Isqarxiyay oo Lahelay -

Published on January 29, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay442

warbaahinra  oo xariiro kala duwan la sameesay Saraakiisha Nabad Sugida iyo kuwa Booliiska ayaa ugu suurto gashay in ee soo hesho magaca iyo Sawirka ninkii maanta fuliyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia gaar ahaan agagaarka halka ee ku taal Safaarada Itoobiya.

Qaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ninkan uu katirsanaa Al-Shabaab 14-kii Bishan Janaayana uu iska soo dhiibay Degmada Wanlaweyn isaga oo watay Qori AK-47 iyo Bistoolad.

Taliyaha waxa uu xusay in Ninkan uusan katirsaneen Hay’ada Nabad Sugida walina ee ku wadeen baaritaano xaqiijin ah waxa uu ahaa balse uu Maanta isku qarxiyay qeyb kamid ah Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Ninkan Maanta is qarxiyay ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay Cali Cabdi Xareed Maalin kana mid ahaa Dagaalyahanadii Al-Shabaab balse markii dambe isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada ee Gobolka Sh/Hoose loona soo gudbiyay Magaalada Muqdisho uu maanta ka fuliyay weerarkan fashilmay.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.