Madaxweyaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigii uu Hogaaminayay ayaa Soo Gaaray caasimada dalka Ingiriiska ee London
Inta uu soo gaarin Madaxwaynaha Magaalada London ayaa Qabanqaabo xoogan ka socotay Air Boorka Wayn ee magaalada London taas oo lagu soo dhoweynayo madaxweynaha waxaana halkaas ku sugan mas’uuliyiin u sii gogol xaaraysa booqashada wafdiga uu horkacayo madaxweynaha.
Booqashada madaxweyne Xasan ayaa la xiriirta booqashooyin uu ku marayo qaarada Yurub waxana uu dhowaan soo booqday magaalada Brussels oo ah xarunta ururka Midowga Yurub.
Dhanka kale Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Ingiriiska oo ah tii ugu horeysey ee uu ku tago Magaalada London ee Dalka Ingriiska tan iyo markii la soo doortay horaantii bishii September ee Sanadkii Dhamaaday.
Ugu danbayntii Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha dibada ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiyo Yuusuf iyo Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya mudane Faraax sheikh Cabdulqaadir iyo Agaasimaha Guus ee Xafiiska Madaxwayanaha Soomaaliya Mudane Kamaal Dahir Guutaale iyo Madaxkale