Wednesday, June 19th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dowladda oo abaal marisay Askar la sheegay inay ka hortageen Ismiidaamin Madaxtooyada lala damacsanaa

Published on February 1, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay262

Dowladda Soomaaliya ayaa Lacag iyo Shahaado Sharafba gudoonsiiyay Laba Askari oo ay sheegtay inay qayb ka qaateen Dhiciseynta isku day lagu doonayay in Ismiidaamin looga geeysto Aqalka Madaxtooyada.

Cabdi Samad Xassan Jaamac iyo Xassan Cabdulle Maxamuud oo Ciidamada Nabad-Sugida ka tirsan ayaa mid kasta oo iyaga ka mid ah la siiyay Lacag gaaraysa 500 oo Dollar iyo Shahaado Sharaf. Waxaana lagu boogaadiyay sidii ay uga hortageen Naftii Hure doonayay inuu Madaxtooyada isku qarxiyo.

Ismiidaaminta ayaa ka dhacday Agagaarka Madaxtooyada, waxaana ku dhintay Hal Askari, Labo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Munaasabad lagu dhiiragalinayay Labada Askari ee la sheegay inay is hortaageen Naftii huraha doonayay inuu Madaxtooyada galo ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabd Kariim Xussein Guuleed iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Axmed Faqi.

Wasiirka oo Abaal marinta gudoonsiiyay Labada Askari ayaa wuxuu kaluu u baaqay Askarta kale iyo Muwaadiniintaba, isagoo u sheegay inay Dowladdo Abaal marin diyaar ula tahay Cid kasta oo soo gudbisa Warbixin la xiriirta Qarax ama fal kale oo la qorsheynayo in lala beegsado Xarumaha Dowladda iyo goobaha kaleba.

Dowladda waxay soo bandhigtay Sawirka iyo Magaca Ruuxii dhawaan isku qarxiyay Muqdisho, waxayna Magaciisa ku sheegtay Cali Cabdi Xareed, kaas oo ay tiri wuxuu kasoo goostay Alshabab oo uu ka tirsanaan jiray, isagoo damacsanaa inuu Qarax ka sameeyo Xarumaha Dowladda.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.