Thursday, June 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhacdadii Somaliland Intay Jirtaa ugu Adkeed, Wasiirka Xirsi iyo Muwaadinad Somaliland ah oo Shalay Maxkamad Doodi ku dhex martay “Waad I Cayday iyo Kuma Anan Caayin.

Published on February 1, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay200

Dhagaysiga Dacwadii loo haystay Dhibane Nadra Maxamed Jaamac oo ah Ruux Dumar ah oo ku dhalatay Magalada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay Maxkamadda Degmadda ee Magaaladda Hargeysa.

Dacwadan oo salka kuhaysa hadal ama fariin ay tax massage ay ugu dirtay dhaliil Xukumada Siilaanyo siiba wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan taasoo uu wasiirku aad uu aga cadhoodey waxaana ay kaliftay in lasoo xidho Gabadhaa yar si xaqdaro ah oo kabaxsan Asluubta Dimuqradiyadda iyo dhaqanka Islaamka.

Saaka Ayaa gabadhaa yar Maxkamada  lakeenay Dhibane Nadra Maxamed Jaamac si dacwad loogu qaado xaqdaro ah isla mar ahaantaa waxaa Goobjoog ka ahaa wasiirkii arinkaasi dhibsaday oo ah Masuulkii Qaranka ee fadhiyay halkii Somaliland looga talinayay oo ah Madaxtooyada Waa wasiirka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan sababaha uu wasiirku maanta Maxkamada u yimid ayaa ay tahay  si gabadhaa yar loogu xadgudbo Xuquuqdeedii Bini aadinimo iyo tii muwaadinimo ama ta dumarnimo oo loogu adeegsado awooda  Dowladnimo isagoo ku aamini waayay maxkamadii Dastuuriga ahayd inay kiiskaa eegto ama ay dhagaysato.

 

Maxkamadii ayaa Saaka labadoodaba Su?aalo waydiisay waa Wasiirkii Qaranka ugu sareeyay ee Xirsi iyo Gabadhii Shacabka aheyd Nadra Maxamed Jaamac oo uu soo xidhtey wasiirku.

Hadaba Qaadigii ayaa Wasiir Xirsi waydiiyay sababta keentay inuu u dhibsado hadalka inanta yar kasoo baxay.

Dhanka kale Ayaa Gabadha lawaydiiyay sababta ay madaxda qaranka u dhaliishey, halka uu wasiir Xirsi ku doodayo inay Gabadhani si xun u aflagaadaysay gaar ahaan isaga.

 

 

Ugu danbayntii Amaanka agagaarka Maxkamadda ayaa aad loo adkeeyay saaka iyada oo laga horjoogsaday Dadka iyo gaadiidka ilaa intii ay socotay Dhagaysiga Dacwadaasi, waxaana loo balamay in go?aanka lagu dhawaaqo Maalinta Sabtida Ah.

Somaliland oo hadda madaxa laga sii gelaysa Gu´gii 23-aad, ayay noqonaysaa in markii ugu horeysay ee dacwadan oo caynkan oo kala ah la dhagaysto, lamana garanayo waxa uu xukunkeedu noqon doono.

 

Dadweynaha reer Hargeysa Ayaa arinkan aad ula yaabay in Gabadh uu Wasiirkeedu yidhaahdo way i´caysay, balse qof kasta ayaa is´weydiinaya tallow maxaa sidan uga cadheysiiyay oo ay gabadhu kutidhi, dadka qaar ayaa qaba hadii ay ogaan lahaayeen hadalkii ay u isticmaashey inay iyaguna tex-message u diri lahaayeen isla hadalkaa ka cadheysiiyay ee lagu yidhi Wasiirka wasiirada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Iskusoo duuboo Waxaa la odhan karaa gabadhan yar Dhibane Nadra Maxamed ee dhowrka cisho ee Xabsiga uu wasiir Xirsi iskaga haysto ayaa ah Looma ooyaan, oo ay Tolkeedu guda iyo dibadda-ba ay gabeen.

“Cidna uma Maqno Ceelna Uma qodna”

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.