Saturday, May 25th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kulmiye walee kobac sanaan makeenin bulshadaa isku sheegatay(Maqaal)W/Q Hassan Hussein Ahmed,(garaad)

Published on February 1, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay245

 

Inkastoo mudooyinkaan dambe ey idaacadaha muqdisho noqdeen tusbax go,ay, eyna lamid noqdeen sida  ey  farmashiyaasha muqdisho uga furanyihiin xaafad kasta ,ayey hadana u muuqdeen kuwo ku kala roonaa waxa loo tabinayo bulshada iyo meeqaamka ey ka joogaan dhageystayaasha , qaarba si ayey u tix galin jireen bulshadu, inkastoo bilowga furitaanka idaacada ey u muuqato mid  aan wax ba laga sheegi Karin ayey dib isku bishaa hadey noqon laheyd mid ka fiirsata barnaamijyada kabaxa iyo  qaab tabineedkeedaba ,

Anigoo ku dheeraan  kahadalka idaacadaha muqdisho ee sida farmashiyayaasha uga furan degmooyinka muqdisho,ayaan hadana maanta waxaan rabaa in aan wax ka xuso qaladaadka mid kamid ah idacadaha muqdisho oo aniga iyo in badan oo bulshada kamid ahba aan u haysanay  kuwo ugu roonaa sumcad ahaan , waxa kabaxa ey ahaayeen kuwo miisaaman , balse hada u muuqata in ey dhiiqo lugaha lagashay waa idaacada kulmiye,

Kulmiye radio  oo dar darku soo gashay saaxada warbaahinta uuna madax ka ahaa  abwaan somaliyed oo caan ah sumcadna ku dhex lahaa bulshada  isla markaan barnaamijyo  wanaagsan lagu bartay bilowgii  lana filaayey in ey  kobac san u keeni doonto warbaahinta,ayaa  hada waxaa majaraha u qabtay dhalinyaro  u muuqda kuwo  faraha looga qaaday waxa ka baxa idaacada iyo  tifaf tirka banaamijyada  iyo warka kasta ,waxaana  muuqata in dhalintaas ey sidey doonan uga hadlaan idaacada waxey doonaana ey ka sheegaan, sida ka muuqata ciwaanka qormadaan  idaacadu waxey maalimihii udambeyey noqotay mid uu shaqsi da,yar  u dhaxlay  mana ka muuqato  meesha masuuliyadii dakii ka madaxda ahaan jiray , sidey doonto haku dhacdee,

Waxyaabaha. yaabka Ieh.  ee aanan  ka fileyn  kulmiye waxa kamid ahaa, barnamij   sumcada idaacada  dhulka lagalay .una muuqday mid xata ninkii daadihinayey uu kala garan waayey wixi uu ku sheegey in uu kaga hadli doono iyo wixii looga hadlay, dadihiyaha barnamijkaas oo ahaa  ceydiid, kana mid ahaan jiray farsamayaqaanadii idaacada shabelle iskuna badalay  soo sare  barnamij sports ah , wuxuu ciwaanka barnamij ku aha  kahdalka wariyayaasha isku magaca ah ee laga yaabo in ey sadex magac isla wadaagaan,balse intii barnamijku socday ayey wax kasta is badaleen waxaana  lagu xad gudbay  neynaasyo, saxfiyiin ey leyihiin , waxey ku tilmaameen kuwo  aan fiicneyn neynaasyahaas, hadii aan fiiriyeyn ,iiguma muuqan kuwo xun ama diin ka soo horejeeda , waxeyna  ahayeen kuwo iska caadi ah , waliba kuma eysan soodarin neynaasyadii ey meesha  k asheegeen kuwo wariyayaashoodu leyihiin,,

Waxyaabaha meeshaa ka muuqday ayaa  ahaa  doonista wax kabadal waxa  ey sheegayaan warbahinta kale   balse aqoon xumo  darted baday in ey idaacada ka dhigto, mid dambi ka gashay saxifiyiinta qaar waayo neynaastu waa  xuquuq quf leeyahay , lagumana  xad gudbi karo,hadii ey diinta ka  soo horjeedu haa, lakiin waa mid iska caadi ah sida roobda,ay, sandheere , qoslaaye iyo wixii la mid ah  ma wax. xun ayaa ku jira ,rag badan waxey ku tilmaameen in  sababta barnamijyadaan nuucaan oo kale  ah ey  keeni karto aqoon daro xaga tifaf tirka ah iyo waliba  xataa masuulka loo doortay in uu wax tifaftiro oo aan fahansaney qaladka ka imaankaro waxa uu fasaxay iyo cida  lasoo fadhiisatay studio , barnmij  aan qiimo badan laheyn hadana. xakameyn kari weysay mowduucii barnamijka  ilaa uu mowduucii kabaxay  mel kastana  loola dhaqaaqay, sidoo kale. Waxa meesha kacad in barnamijkaas aanu soo marin gacanta rag ku xeeldheer saxafada iyo fifaftirka .wararka, balse uu yahay mid shaqsiyaad aan xeelad warbahineed laheyn  kasoo baxay ,

Idaacada kulmiye oo ey ka howlgalaan   rag aqoon sare uleh  saxafada  sida burhaan diini,  iyo rag kale oo caan  ah., agaasimana uu ka yahay  abwaan cismaan guure, ayaa rag .badan wax.  iska weydiinayaan waxa ku kalifay in barnamijyo noocaan oo kale ah ey ka baxaan, halka bahda saxaafada qaar ey ku tilmaameen  in tani ey ku dhacday,howlhii tifaftirka  iyo barnaamij soo saarida oo gacanta u galay rag aan ehelkooda aheyn una muuqda markey hadlayaan kuwo gabi dhacleynaya.,,keynaan waxaan xasuustaa  sida uu uga xumaaday, faaladii Jamaal cismaan e uu ku shegey in saxafada qaar ey yihiin mooryaan kamiro wadato dood faceka nagu dhex martayna wuxuu u muuqday nin  uu daboolay  xanaaq  uu ka qaaday hadalkaas balse  manta nasiibdaro asagii ayaa fasaxay barnaamijyo lagu caynayo saxafiyiin soomaliyeed oo cayna kadhan,,

Isku soo wada duuboo waxa maamulka kulmiye looga fadhiyaa in uu raali galin kabixiyo, barnamijkaas isla . markaasna uu cadeyo in an mamulkoodu war  kaheyn  hadiikale . ey isku daraan liiska warbaahinta aan  waxa ey shegaan garan Karin  afkey furana uhadla ,

W/D Hassan Hussein Ahmed,(garaad)   xasan75@hotmail.co.uk

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.