Thursday, May 23rd, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Midawga Afrika oo ku biiray hey’adaha in Shabaab uu Hargeysa Xarun ka dhigtay ku doodaya.

Published on February 2, 2013 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay102

Xubin kamid ah golaha amaanka ee Midawga Afrika ayaa waxa uu soo saaray hadal uu ku muujinayo in dagaalamayaashii Shabaab ee looga itaalka roonaaday koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ay u kala jeheesten Bari iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya, halkaasi oo ay doonayan in mar kale ay iska soo abaabulaan.

Sarkaalkaan u hadaly midawga Afrika ayaa waxa uu sheegay in sarakiil sar sare oo katirsan Al-qaacidada Soomaalya ay xilligaan ku suganyihiin maamulada Somaliland iyo Puntiland halkaasi oo ay qorsheynayaan in ay kasoo maleegaan falal argagaxiso oo dad badani ku dhamaadaan.

Arinta ku saasban saraakiisha Shabaabka ah ee ku dhuumaaleysanaya Somaliland waxay ka hadlidoodu soo shaac baxday markii dowlada Ingiriiska oo aheyd Saaxiib dhaw oo maamulkaasi uu lahaa ay mawaadiniinteda kaga digtay khatar argagaxiso oo Somaliland kasoo wajahda, iyada oo wixii xilligaa ka danbeeyay dalal badan iyo ururo caalami ah ay iyana qeyladhaanta kubiireen.

Somaliland waxa ay diiday in argagaxiso ay saldhig kuleedahay deeganadeeda hasa yeeshee Puntiland oo goobaha warbixintaan lagu xusay kujirta horay ayeey u shegtay in Shabaabku ay waayahaan isugu luga aruursanayeen deegaanadeeda ayna kala dagaalameyso in ay xidido ku yeeshaan.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.