Barnaamij ku saabsan is dhex galka dhalinyarada Muqdisho oo u soo qaban qaabiyay Idaacada Dalsan, ayna suurta gelisay Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada ee SYAO ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Barnaamijkan oo ujeedadiisa aheyd dhiira gelinta, is dhex galka iyo iska warqabaka dhalinyarada Soomaaliyed ee ku nool Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Xarunta Tababarka iyo shirarka ee SYAO.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Idaacadda dalsan waxaana suurta galineysa hey’adda SYAO, iyadoo ay ka qeyb galayeen Dhalinyarada Magaalada Muqdisho ee ku xiran Barnamijka Madasha Bar baarta (BMB) ee ka baxa Radio Dalsan galab waliba marka laga reebo Jimcaha.
Uga horeyn Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Wasiir kuxigeenka wasaarada adeega bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ku tilmaamay barnaamijkan mid sare u qaadaya moraalka dhalinyarada Soomaaliyed, isla markaana uu yahay mid dhalinyarada lagu xoojinayo
Wasiir kuxigeenka ayaa ku amaanay SYAO waxqabadkeeda ku aadan dhiira gelinta dhalinyarada iyo sidii ay ugu wacyi gelin lahaayeen inay ka shaqeeyaan nabada.
Inta uu socday barnaamijkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay, Suugaan, madadaalo iyo hal xiraalo laga jawaabayay oo dhalinyarada lagu gudoonsiiyay abaal marino, waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada ay ku tilmaameen barnaamijkan inuu wax weyn ka tarayo sidii dhalinyarada ku kala nool degmooyinka Gobolka Banaadir ay isaga warqabi lahaayeen, ayna isku xirmi lahaayeen.
Gudoomiyaha SYAO Maxamed Cajiib ayaa uga mahadceliyay dhalinyarada ka soo qeyb gashay barnaamijka sida ay isu xilqaameen iyo aragtiyadii ay soo bandhigeen, isagoo sheegay in mar walba SYAO ay garab taagan tahay dhalinyarada wax walibana ay gacan ka siin doonto codkoodana ay meel gaarsiin doonto maadaama ay yihiin dhalinyarada Mustaqbalka dalka.
Ugu dambeyn barnaamijkan is dhex galka bulshada ayaa ka mid ah kuwo mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo lagu xoojinayay dhalinyarada