Wanshinton (Caasimada Online) Dowladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisay wax ay ku sheegtay xad gudub lagu hayo wariyaasha iyo dadka loo geesto falalka ka dhanka ah Jinsiga.
Xukuumada Wanshinton ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay ilaaliso xuquuqda saxaafadda iyo dastuurka dalka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda haweeneyda la yiraado Victoria Naland oo arrintan ka hadleysay ayaa sheegtay in Maraykanka uu walaac ka qabto xad gudubyada ka dhanka dadka wararka fidiya iyo kuwa lagula kaco kufsiga dalka Soomaaliya.
“Waxan ku biirineynaa codkeena beesha caalamka annagoo walaac ka muujineyna rabshadaha gacan ka hadalka ee jinsiga ku saleesan iyo dhibaateenta shaqaalaha caafimaadka iyo saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya”
Waa ay sii hadashay “ Waxaan ku boorineynaa dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqanto oo dhowrto dastuurkeeda ee xuquuqda dadka iyo sinnaanta dadka, waxan kala shaqeeneyna dowladda Soomaaliya siddii ay u dhisi lahayd awoodeeda wax ka qabashada arrimahan” ayey tiri Mrs. Noland.
Dhinaca kale, waxa ay sheegtay in caalamka uu eegayo wax yaabaha ay sameeneyso dowladda Soomaaliya.
“ Dunidda in dhaha ayey idinku heysaa waxaad tijaabo u tihiin mustaqbalka Soomaaliya”
Si kastaba hadalkan dowladda Maraykanka ka soo baxay saaka oo Sabti ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo hey’addaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo dowladda deeq bixiyaasha ay ka walwal san yihiin xarigga shan qof oo uu ku jiraan wariye iyo haweeney sheegtay in la kufsaday ay xuran yihiin dowladda Soomaaliya iyagoo wax dacwad ah la soo taagin.