Tuesday, May 21st, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Muqdisho oo markii ugu horeysey laga hirgelinayo xarun lagu xanaaneeyo haweenka la kufsado

Published on May 8, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay1584

Lagama yaabo in dad badan ay dib ugu laabtaan ayna gacan ka geystaan sidii loo horumarin lahaa meel 460 maalmood afduub loogu haystay.

Hase yeeshee Amanda Lindhout oo 31 jir ah oo hore u ahayd saxafiyad ayaa waxa ay ku qaadatay muddo afar bilood ah inay ka soo kabsato nafaqo darro iyo niyad jab ka soo gaaray kooxihii ay u afduubneyd, balse waxa ay bilowday in ay qorsheyso sidii ay u caawin lahayd dad Soomaaliyeed.

Bishii April 2010 Ms Lindhout waxa ay aasaastay urur lagu magacaabo Global Enrichment Foundation waxayna timid illaa iyo xilligaas shan jeer dalka Soomaaliya inkastoo ay haysato ilaalo gaar ah. Lindhout ayaa illaa iyo waqtigaas waxa ay soo urururisay lacag dhan labo malyan oo dollar oo wax loogaga qabanayo wadanka Somaaliya.


Gabadhan ayaa dooneysa in haweenka ka badbaaday kufsiga inay siiso daryeel caafimaad,waxbarasho si ay uga baxaan dhibaatada ku dhacday.
Waxayna gabadhan bilowday in ay kala shaqeyso arrimaha horumarinta haweenka Fartun Aden oo ka mas’uul ah urur u dooda xuquuqda aadanaha kuna soo laabtay dalka sanadkii 2007dii iyadoo ka mid ahayd dadkii ku noolaa magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Maxaa ku qasbay qorshahan?

Kadib markii ay muddo dheer afduub loogu haysatay Soomaaliya ayaa waxa ay sheegay gabadhan in sababta ay u qabanayso howshan inay tahay iyadoo u leh waayoaragnimo afduubashada, ayna fahamsan tahay dhibaatada kufsiga uu leeyahay iyo sida muhiimka u yahay in wax loo qabto dadka ka badbaada kufsiga.
Halkee ka bilowday?

“Markii afduubka aan ku jirey, waxa aan bilaabay in aan ka fekero inaan aasaaso urur. Markii aan wadankeygii ku laabtay waxaan farrimo ka heley dad Soomaaliyeed gaar ahaan dad dhalinyaro ah oo ka cudurdaaranaya waxa igu dhacay, waxayna doonayeen in aan ogaado in dadkii afduubka igu haystay aysan mas’uul ka ahayn dadka Soomaaliyeed. Waxayna ii sheegen in ay rabaan mustaqbal ka duwan Soomaaliya.

“Weliba markii aan la kulmay Fartun waxaan ballanqaaday in aan waxwalba samayn doono oo aan ku taageerayo sidii ay wax ugu qaban lahayd dadka ka badbaada kufsiga.”

Deeqaha

“Waxyar ayaa wax ka tari kara Soomaaliya shan dollar waxa ay quudin kartaa qof muddo labo toddobaad ah,boqol dollarna qalab ayaa iskuul loogu iibin karaa halka labo ama saddex boqol oo dollar ay goob gancasi ay ku bilaabi karto gabar.”
Caqabadaha

“Bishii hore, mar aan tegey Muqdisho waxaan la kulmay gabar lix sano jir ah oo la yiraahdo Abaayo taasoo si fool xun loo kufsaday
Way adag tahay in la fahmo sida ay taas u dhacday. Kufsiga ka jira Soomaaliya waa mid naxdin leh, balse Muqdisho way xasilan tahay. Falka noocaas ah oo kalena waxa uu yahay mid aysan fari ka qodneyn waxa aan qabanayno.

Guulaha

“September 2010, waxa aan la kulmay Habiba oo ah hooyo da’ dhexaad ah kana badbaaday kufsi halis ah. Balse gabar ay dhashay oo 12jir ah ayaa la diley. Markii aan arkay bishii April waxa ugu horeeya ee ay ii sheegtay ayaa ahayd in ay iiga mahadceliso cuntada gargaarka ah ee ay ka heshay barnaamijkeena dhinaca gargaarka cuntada ah. Habiba mar dhow ayaa la siin doonaa lacago ay uga furan karto biibito lagu iibiyo shaah.”

Shakiyada

“Markii aan aasaasay GEF dadka qaarkii waa ay ku adkaatay in ay fahmaan waxa keenaya in aan dib uu laabto wadan aan xorriyadaydii ku waayey, qaar kalana waa ay la fiicneyd balse waxa ay ka shakisnaayeen inta mudada ah aan wadi karo, waa ay igu adkeyd in aan lacago ururiyo markii hore balse marnaba isma aan dhiibin.
Waxyaabaha igu dhaliyey inaan howshan sii wado ayaa ka mid ah inaan arkay haweenka oo kalsooni helay. Waxaan ogaaday in gargaarka cunto ee aan qeybinay ay kumanaan ruux badbaadisey. Runtii waa dadka Soomaaliyeed waxa arrintan igu dhaliyey inaan sii wado.

Dhowaan waxaan rajaynaynaa bay tiri gabadhan in ay furan xarun lagu xanaaneyo haweenka, xaruntan ayaa lahaaneysa meel ay seexan karaan illaa boqol haween ah islamarkaana laga heli karo xaruntan goob caafimaad,iskuul wax lagu barto,library iyo xarun isbort.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.