Saxeexii Dubai ee dhexmaray madaxweynaha DFKMG iyo hoggaamiyaha maamulka SNMta Somaliland wuxu ahaa wax hadoodillan laakiin loo fahmi karo in laga wada hadlay wax ka duwan wixii dadku u dhego-taagayey, caalamkuna dabada ka riixayey. Haddaan hoos ugu daadegno waxa laga wada hadlay wuxu noqday ujeedooyin gaar ah oo labada dhinac midba dhinaciisa ay xisaabi ugu guntantahay laakiin ku midaysan dheeraynta mudada wada hadalka.
Madaxweyne Sheekh Shariif wuxu tooganayey laba arrimood oo kala ah:
1- In qolyaha ka go’itaanka Soomaaliya sheeganaya uu ku soo dabo saxeexiisa la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha.
2- Inuu kor ugu soo qaado shacbiyadda doorashadiisa.
Hoggaamiyaha SNMta Somaliland iyo inta fahamkan kula socotayna waxay tooganayeen:
1- Maadaama uu Caalamku xidhay albaab gaar ah oo loo soo maro inay saxeexa dawladda la aqoonsanyahay qayb waqooyi kaga helaan dhaqaalaha caalamku galinayo Soomaaliya iyagoo isku tusaya in aanay waxba ka qabin wada hadal midnimo hase yeeshee seetada u dheereeyaan in toos loo abbaaro ajandaha rasmiga ah ee midnimada Soomaaliya.
2- In ay oggolaanshaha madaxweynaha uga faa’iidaystaan heshiisyo kaga xidhnaa Dawladda Imaaraadka ama Shirkado gaar ah oo aan sharciyadda saxeexooga aqbali karin.
Sidaa darteed; waxa sideedaba xaaraan ah in ummadda la major-habaabiyo iyadoo ujeedooyin gaar ah lagu fushanayo; isla markaana waxa mas’uuliyadda xaaraan ka ah in qofna xaqiisa indhaha la dulmariyo mid sadbursi doonayana xaqdarro lagu koolkoolliyo.
Markaan u soo dego nuxurka iyo ujeedada maqaalka, waxa wax aad loola yaabo ah in madaxweynaha DFKMG. Mudane. Sheekh Shariif uu si aan gabbasho laheyn meel fagaare ah uga qiray inuu maamulka SNMta Somaliland u geeyey raaligelin uu kaga wakiil yahay koonfurta Soomaaliya dhibtii ay u geysatay walaalahood; sidaa awgeedna aanay soo hadalqaadin go’itaankii ay wateen. Waxa hadaba su’aalo badani ka taagan yihiin sababaha madaxweynaha ka keenay inuu qiraalka intaa leeg ee aan runta ku fadhiyin la badheedho:-
a) Madaxweynuhu ma waxaanu aqoon Soomaalida Waqooyigu beelaha ay ka kooban yihiin iyo degaanadooda?.
b) Madaxweynuhu miyaanu ogeyn in aanay jirin SNM mooyaane cid kale oo waqooyiga Soomaaliya ka soo jeedda oo Koonfur si gaar ah wax uga tirsaneysaa?.
c) Madaxweynaha ma baqdin baa gashay kadib markii uu maqlay ashkhaas culus oo SNM ka soo jeeda oo fagaarayaal gudaha iyo dibaddaba ah kaga dhawaaqay inay Alshabaab iyo Budhcad-badeedda ku biirayaan haddii waxay doonayaan la yeeli waayo?.
d) Madaxweynaha Soomaalida Koonfurtu miyey ku waafaqsan yihiin qiraalkaa & raaligelintaa uu magacooda ku siiysay beesha SNMta Somaliland?.
e) Madaxweynuhu hadduu SNM u qiray in koonfurta Soomaliya oo dhami dhibaataysay, raaligelinna u geeyey; isla markaana u bilaabay magdhow sida dekedda Berbera oo la sheegay inuu uga kireeyey Shirkadda Jabal Cali ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta; waxa sidoo kale looga fadhiyaa inuu magdhow ka bixiyo magaalooyinkii ay SNM dumisay iyo xasuuqii ay u geysatay rayidkii aan waxba galabsan ee Gobolka Awdal 12/02/1991kii iyadoo kaashanaysa kaarayaashii Itoobiya ee Xukunkii Mengistu Hailemaram. Dhibtaasi halkaa kuma joogsan ee ilaa maanta ayey ku socotaa oo aanay cidna ka qarsooneyn.
f) Madaxweynuhu miyaanu ogeyn reer woqooyiga aan SNM ahayni in aanay Raaligelin uga baahneyn Somali ee ay u baahanyihiin Dawlad Somaliyeed oo ku dhisan midnimo qaran, xaq iyo caddalad. Arinta raaligelinta iyo ka hadalka dagaaladii sokeeye ee shacbiga soomaaliyeed ku hoobatayna waxay ku koobantantahay kaliya SNM ama beesha dhexe; Sida Awgeed Madaxweyne afkaaga ka dhowr erayga reer woqooyi ama Somaliland markaad la hadlayso Beesha dhexe maxaa yeelay woqoyi waxa dega beelaha Gadabuursi, Ciise iyo Harti oo aanay khusaynin raligelintaa ujeedaysani.
Sidaa darteed; waxa habboon in arrinta wada hadalka DFKMG iyo Somaliland oo caalamku u soo jeediyey in lagu turxaan bixiyo midnimada iyo qarankii Soomaalyeed oo la soo celiyo in meeqaamkeeda iyo madasheeda lagaga midho-dhaliyo lagana daayo majaro-habaabinta loo adeegsanayo dano gaar ah; isla markaana laga feejignaado waqti-lumis iyo seeto-dheeraynta gadaal ka soo xidhmi doonta.
Wa billaahi Atawfiiq.
Maxamad Cabdullahi Xaaji Obsiyeh
Riyadh – Saudi Arabia.