Tuesday, May 21st, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

BEELAHA REER QUMIS OO WAJIGII COLAADEED KU BADASHAY MID NABADEED (FAALLO)

Published on July 5, 2012 by   ·   3 Comments Waxaa Aqrisatay1115

Aduunyadu subaxba waa ceyn xiliguna marba meel ayuu marayaa, Allana dadka isku si kamuu dhigin, Beelaha ku kala abtirsada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug waxay taarikh aan lasoo koobi karin ku leeyihiin wadankeena Soomaaliya Waxayna kaalin lixaad leh ka qaateen wax soo saarka dalkeena ,waxaana xusid mudan in beelaha Ximan iyo Xeeb ku kala abtirsada ay ku jiraan dad waxgal ah kuwaasi oo caan ka ah soomaaliya.

sida aanu wada ognahay waxaa la sheegaa in dad reer miyi ah oo ka soo kala jeeda Beelaha Qumis ay dagaalami jireen in ka badan 40-sano kuwaasi oo loo sababeyn jiray in ay isku dagaalaan Daaqa iyo Deegaanka, waxayna taasi sababtay galaafsashada nafaf badan oo loo dili jiray aanooyin qabiil iyo wax la mid ah, waxaa sidoo kale jiray xoola ay iska dhici jireen beelahaasi waxaana la dhihi karaa waxyaabaha ugu badan ee sababa dhibaatooyinkaasi inay ka mid ahayd jaahilnimo ku raagtay dadka reer miyiga ah
hadaba waxaa la dhihi karaa jaahilinimadu waxay ku danbeysaa miyiga oo ay ka muuqato calaamadaha jaahilnimada.

Xiligaasi ka dib sidaan lawada socono waxaa isbadal badnaa siyaasada Soomaaliya oo ah mid habeen meel ku hoyata, taasina waxay sababtay inay soo kororto isdhexgalka beelaha Qumis marka laga reebo meelo fara ku tiris ah kuwaasi oo ay ka taagnaayeen caqabado aan saas u buurneyn.

Nasiib daro waxaan dhamaan jahwareer dhibaatiiyo qaxar uu soo wajaha wadankeena Soomaaliya taasina waxay sababta kala fogaansho iyo wareer ku yimaada dhamaan umada Soomaaliyeed waxayna dowlad la’aantu sababtay ciidamo beeleedyo ku soo batay wadankeena soomaaliya waxaaana ciidamo beeleedyadaas hogaaminayay hogaamiye kooxedyo waxayna ka qeyb qaateen ama ay sii shideen dhibaatadii ka dhex jirtay dadka wada daga miyiga ee ku kala abtirsada Beelaha Qumis waxaana la dhihi karaa taasi waxay kaalin weyn ka qaadata dhibaato isugu jirta Dhimasho,Dhaawac,iyo mid aduunyaba oo ku timid dadkii oo dhan.

beelaha la isku yiraa Qumis waxay dagaan Qaar ka mid ah Gobolada dhexe ee dalka soomaaliya gaar ahaan Gobolada G/gaduud iyo Mudug run ahaantii waxaa soo yaraaday ciidamo beeleedyadii inkastoo aysan dhamaantoodba soo gabangaboobin ciidamadaasi.

Xiligaasi oo lagu qiyaaso sanadii 2007-2008 waxaa wadankena soomaaliya ka bilaawday maamul goboleedyo aan horay uga jirin soomaaliya oolaga soo dhisayo wadanka dibadiisa waxaana maamuladaasi ka mid ahaa maamulo lagu magacaabo G/mudug Iyo Ximan iyo xeeb kuwaasi ay soo dhisee dadka qurba joogta ah ee kasoo jeeda beelaha qumis waxaana dhamaanba soo dhaweeyay dadka ku dhaqan gudaha kuwaasi oo ku tilmaamay mid looga gudbi karo dhibaatada colaadeed waxaana ka qeyb qaatay korinta maamuladaasi dadka kasoo jeeda beelaha qumis waxyaabha ugu horeeyay ee laga faa’iiday maamuladaasi waxaa ka mid ahaa Amniga Xabad joojinta beelaha taasina waxay noqotay guul aad u weyn waxayna ka hirgashay dhamaan deegaanada uu ka shaqeynayay maamulku.

Iyadoo ay maamuladu ay sidii u shaqeynayaan islamarkaana la dareemayo hormarka ayaa 2010 waxaa magaalada Mogdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagasoo aas aasay Gudiga nabadeynta beelaha Qumis oo ka koobnaa 15 xubnood waxayna Deegaanada soo gaareen 21-11-2010 waxa si diiran loogu soo dhaweeya deegamada ay wada dagaan beelaha qumis iyadoona dadka ay ku tilmaameen in ay tahay hormar la taaban karo waxa ayna aheyd shaqadii ugu horeysay oo ay qabteen inay tagaan meelaha ay dagaaladu ka dhici jireen iyagoona la kulmay dadka deegaanka waxaana la socday madaxda maamulada Ximan iyo xeeb iyo g/mudug waxayna wacyi galin u bilaabeen dadka iyagoona ka codsaday inay soo dhaweeyaan wadahadalada loo furayo inta badana dadka waxay qaateen wacyi galintaasi gudigu waxay sii wadeen shaqadooda iyagoona qabtay waxyaabo badan oo la taabam karo waxaana ka mid ahaa:

1-Xalinta guud ahaanba Colaadihii waa weynaa.
2-Furida jidad waaweyn kuwaasi oo u xirnaa dagaalada dartood.
3-soo agaasimida in ka badan 50 kulan oo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa colaadaha.
4-wadahadalsiinta dadkii is dagaali jiray.

inta badan gudigaani waxuu soo agaasimi jiray kulamo looga hadlayo nabada iyo qiimaheeda waxayna ka dhacday magaalooyinka Galinsoor,Cadaado iyo deegaanada miyiga sida: been dhaarte, docoley,dhagtuur iyo kuwa kale oo badan waxaana mararka qaar kulamadaasi ka qeyb gali jiray madaxda maamulada iyadoona intooda badan la isku afgaran jiray 7 bilood ka dib waxaa bur buray gudigii nabadeynta beelaha qumis waxaana bu burkaas loo sababeynayay dhaqaalo la’aan iyo xakameyn la’aanta dad ka shaqeynaya dagaalada laakiin ma jirin wax dhibaata ah oo dhacay intii uu burbursanaa gudigaasi.

Xasan Xaashi Muxumu oo gudoomiye ku xegeen ka ahaa gudigaasi kana qeyb qaatay nabadeyntaas ayaa waxa uu dib usoo aas aasay gudigii iyagoona halkaasi kasii watay shaqadii ay u hayeen bulshada .

Ugu danbeyn Waxa ku dayasho mudan dadka ka shaqeeyay nabada keentay raaxada nolasha dhibaatada ugu badan ee hada taagan waxay tahay dad ka shaqeynaya dhibaatadii laga soo gudbay taasina waxaanu leenahay alla haka dul qaado.
Waxaa qalinka u qaatay Wariye: Nuur Cabdi jimcaale(Saxafi Yare).

Readers Comments (3)

  1. faarax xasan says:

    maasha allah waa hormar

  2. garyare says:

    waa wax lagu farxo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.